logo HARUN YAHYA

Ad-Dukhan - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Waannu sheegnay iyadoo kale.
  • 2. Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka).
  • 3. Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi.
  • 4. Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh.
  • 5. Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo).
  • 6. Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og.
  • 7. Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan.
  • 8. Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey.
  • 9. Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari.
  • 10. Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan).
  • 11. Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran.
  • 12. Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu`miniine.
  • 13. Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda».
  • 14. Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan.
  • 15. Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta.
  • 16. Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan.
  • 17. Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh.
  • 18. Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.
  • 19. Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade.
  • 20. Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan.
  • 21. Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya).
  • 22. wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah.
  • 23. guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye.
  • 24. kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne.
  • 25. imisey ka tageen Beero iyo Ilo.
  • 26. iyo Tallaal iyo meel sharaf leh.
  • 27. iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
  • 28. xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale.
  • 29. uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin.
  • 30. waana ka korinay ree Bani Israa`iil cadaab wax duleeya.
  • 31. (Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah.
  • 32. waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og.
  • 33. waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay.
  • 34. kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi.
  • 35. arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin.
  • 36. noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan.
  • 37. miyagaa khayr roon mise qoomkii Tubax iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal.
  • 38. Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar.
  • 39. mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga.
  • 40. maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan.
  • 41. waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn.
  • 42. cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waz adkaade naxariistee.
  • 43. Geedka Zaquumka ah.
  • 44. waa cunnada dambi badanaha.
  • 45. waana Laami oo kale kuna kari Caloosha.
  • 46. sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale.
  • 47. (waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda.
  • 48. markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul.
  • 49. (waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe.
  • 50. kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka).
  • 51. kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah.
  • 52. Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan).
  • 53. waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili.
  • 54. saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn.
  • 55. waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah.
  • 56. mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo.
  • 57. waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn.
  • 58. waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan.
  • 59. ee sug iyaguna way sugiye.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code