HARUN YAHYA
Somali
SO
QURAANKA
Ad-Dukhan
1. Waannu sheegnay iyadoo kale.
2. Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka).
3. Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi.
4. Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh.
5. Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo).
6. Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og.
7. Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan.
8. Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey.
9. Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari.
10. Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan).
11. Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran.
12. Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu`miniine.
13. Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda».
14. Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan.
15. Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta.
16. Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan.
17. Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh.
18. Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.
19. Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade.
20. Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan.
21. Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya).
22. wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah.
23. guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye.
24. kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne.
25. imisey ka tageen Beero iyo Ilo.
26. iyo Tallaal iyo meel sharaf leh.
27. iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
28. xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale.
29. uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin.
30. waana ka korinay ree Bani Israa`iil cadaab wax duleeya.
31. (Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah.
32. waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og.
33. waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay.
34. kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi.
35. arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin.
36. noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan.
37. miyagaa khayr roon mise qoomkii Tubax iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal.
38. Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar.
39. mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga.
40. maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan.
41. waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn.
42. cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waz adkaade naxariistee.
43. Geedka Zaquumka ah.
44. waa cunnada dambi badanaha.
45. waana Laami oo kale kuna kari Caloosha.
46. sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale.
47. (waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda.
48. markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul.
49. (waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe.
50. kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka).
51. kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah.
52. Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan).
53. waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili.
54. saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn.
55. waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah.
56. mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo.
57. waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn.
58. waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan.
59. ee sug iyaguna way sugiye.
SHARE
1. Al-Fatihah
2. Al Baqara
3. Ali `Imran
4. An-Nisa
5. Al-Ma`idah
6. Al-An`am
7. Al-A`raf
8. Al-Anfal
9. At-Tawbah
10. Yunus
11. Hud
12. Yusuf
13. Ar-Ra`d
14. Ibrahim
15. Al-Hijr
16. An-Nahl
17. Al-Isra
18. Al-Kahf
19. Maryam
20. Taha
21. Al-Anbya
22. Al-Haj
23. Al-Mu`minun
24. An-Nur
25. Al-Furqan
26. Ash-Shu`ara
27. An-Naml
28. Al-Qasas
29. Al-`Ankabut
30. Ar-Rum
31. Luqman
32. As-Sajdah
33. Al-Ahzab
34. Saba
35. Faatir
36. Ya-Sin
37. As-Saffat
38. Sad
39. Az-Zumar
40. Ghafir
41. Fussilat
42. sh-Shuraa
43. Az-Zukhruf
44. Ad-Dukhan
45. Al-Jathiyah
46. Al-Ahqaf
47. Muhammad
48. Al-Fath
49. Al-Hujurat
50. Qaf
51. Adh-Dhariyat
52. At-Tur
53. An-Najm
54. Al-Qamar
55. Ar-Rahman
56. Al-Waqi`ah
57. Al-Hadid
58. Al-Mujadila
59. Al-Hashr
60. Al-Mumtahanah
61. As-Saf
62. Al-Jumu`ah
63. Al-Munafiqun
64. At-Taghabun
65. At-Talaq
66. At-Tahrim
67. Al-Mulk
68. Al-Qalam
69. Al-Haqqah
70. Al-Ma`arij
71. Nuh
72. Al-Jinn
73. Al-Muzzammil
74. Al-Muddaththir
75. Al-Qiyamah
76. Al-Insan
77. Al-Mursalat
78. An-Naba
79. An-Nazi`at
80. Abasa
81. At-Takwir
82. Al-Infitar
83. Al-Mutaffifin
84. Al-Inshiqaq
85. Al-Buruj
86. At-Tariq
87. Al-A`la
88. Al-Ghashiyah
89. Al-Fajr
90. Al-Balad
91. Ash-Shams
92. Al-Layl
93. Ad-Duhaa
94. Ash-Sharh
95. At-Tin
96. Al-`Alaq
97. Al-Qadr
98. Al-Bayyinah
99. Az-Zalzalah
100. Al-`Adiyat
101. Al-Qari`ah
102. At-Takathur
103. Al-`Asr
104. Al-Humazah
105. Al-Fil
106. Quraysh
107. Al-Ma`un
108. Al-Kawthar
109. Al-Kafirun
110. An-Nasr
111. Al-Masad
112. Al-Ikhlas
113. Al-Falaq
114. An-Nas